Shir looga hadlayo tayenta iyo horumarinta waxbarashada Puntland oo ka furmay Garoowe
February 26, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Shir dib loogu eegayo horumarinta waxbarashada Puntland ayaa maanta waxaa uu ka furmay magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland .Shirka ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirka waxbarashada Puntland, Cali Xaaji Warsame iyo madax kale oo ka tirsan deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ee Midowga Yurub .
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camay oo ka hadlay shirka ayaa u balan qaaday Deeq bixiyaasha in ay arki doonaan qaabka wax qabadka deeqaha ay bixiyaan wuxuuna u mahad celiyey deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ee Midowga Yurub isaga oo sheegay in ay la xisaabtami doonaan .
Shirka maanta ka furmay Garoowe ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay tayenta iyo horumarinta waxbarashada Puntland.Wasiirka waxbarashada Puntland, Cali Xaaji Warsame oo xaflada ka hadlay ayaa sheegay in la sameyn doono siyaasad cusub oo kor loogu qaadi doono waxbarashada deegaanada Puntland wuxuuna mahad balaaran u soo jeediyey deeq bixiyaasha Caalamka gaar ahaan hay’adaha sida gaarka ah ula shaqeeya wasaaradda waxbarashada ee Puntland.
Ku simaha agaasimaha guud ee wasaradda waxbarashada Maxamed Cabdiwahaab ayaa sharaxaad ka baxshay heerka waxbarashada Puntland iyo halka ay marayso.Masuul ka mid ah deeq bixiyaashii ka qeyb galay shirka ka dhacay Garoowe oo saxafada la hadlay ayaa sheegay in ay ku qanacsan yihiin sida hufan oo ay madaxda wasaradda waxbarashada Puntland u soo bandhigeen heerka ay mareyso waxbarashada Puntland .
M_M Deeq
Halgan.net