Shirkada Hormuud oo maanta joojisay adeegii Internet Mobilka

February 6, 2014 - Written by Editor

hormuudMuqdisho:-Waxaa maanta si rasmi ah Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay u joojisay adeegii Internet-ka ee Telefanada gacanta ee 3G ka dib markii Al-shabaab uu amaro dul dhigay shirkaddaha Is- gaarsiinta ee ka howl gala Koonfurta dalka Soomaaliya. Shirkadda Is gaarsiinta ee Hormuud ayaa horay waxaa ay adeegii Internet-ka ee Teleefanada gacanta ee 3G uga joojisay deegaanada ay ka taliyaan Al-shabaab balse talaabada hadda ay Shirkadda Hormuud adeega 3G kaga joojisay deegaanada kale ee gacanta ay ku hayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku tusinaysa in cadaadis xooggan uu la soo darsay howl wadeenada Shirkadda Is gaarsiinta ee Hormuud.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin ku siiyey shirkaddaha is gaarsiinta in aysan fulin amarada ka soo baxay Al-shabaab haddii  ay go’aamadaas ay fuliyaan shirkaddaha is gaarsiinta talaabo adag laga qaadi doono. Shaqaalaha Shirkadda Hormuud  ayaa sheegay in ay xal u raadin doonaa  adeega  internetka Teleefanada gacanta ee 3G ay joojiyeen iyagoo bilaabi doona farsamooyin kale oo xal ay ku raadin doonaan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo sareen 8 bisha Jan waxay fariin u direen shirkadaha adeega Internet Mobilka in ay joojiyaan waxaana arinkaas dadka falanqeeya arimaha Soomaaliya ay ku macneeyeen in ay jiraan Jawaasiis diyaaradaha duuliye la,aanta ah haga kuwaas oo khaarajiyey saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online