Shukran Mu,assasada Al-Minhaaj W/Q Abdisalaam F Gaas
February 21, 2014 - Written by EditorUgu horayn mahad oo dhan ALLAAH SWT ayay u sugnaatay, Nabad galyo iyo naxriisna nabi Mohammed scw korkiisa ha ahaato,Sida lala socdo waxaa dabayaaqadii sanadkii tagay duufaan xoog leh oo wadata roobab mahiigaan ah ku dhufteen deegaano ka tirsan Puntland ee Somaliya, waxyna ahayd musiibo rabbaaniya waxaa lagu waayay dad iyo duunyo badan, waxaa ku halaagsamay boqolaal kun oo xoolo ah.
Hadaba waxaan si joogta ula socday hawlaha gurmadka ee loo fidinayay dadkaas dhibaatada baaxada leh soo gaartay, runtii waxaa la oran karaa hawshaas gurmadka looma kala harin, waxaana la muujiyay walaaltinimo dhab ah, waxaa muuqatay soomaalinimo qiiro xambaarasan, waxaa kaloo ka muuqday oo aad muhiim u ahayd inaan wax qabsan karno hadayno midawno ALLAAH na kaashano, waxgaradka iyo culumaduna hogaanka ino hayaan
Waxaan daawaday Kulankii ay culumadu ku soo bandhigeen Garowe iyo xisaab xirkii ay soo gudbisay Mu,assasada ALMINHAAJ oo ayadu hawshaas kulligeeda ama inta ugu badan dhabarka u ridatay si qurux badan oo shafaafiya iyo hufnaan ku dheehantahay uga soo dhalaalay
AL MINHAAJ iyo culumadeeda waxaan leeyahay ALLAAH SWT ajarakiina ma dayaco, hawshaad umada u qabateen gaar ahaan dadkii tabaalaysnaa iyo dadkii maalkaas idiin wakiishay inaad ka gudoontaan dadka xaqa u lehna aad gaarsiisaan sida niyad wanaaga leh oo aad xisaab shaafi ah u so gudbiseen waxay nagu abuuraysaa, kalsooni iyo in horay loo socdo wax badan oo badanna la qaban karo waxaan idinka rajayanayaa inaad hogaankaas haysaan hawlo kale oo hormarineed iyo dacwaba aad qabataan dadkii wanaaga idinku bartayna waa idin garab taaganyihiin ALLAAH SWT na waa idinla garab galayaa inshallaah,
waxaan kaloo mahad ballaaran u celinayaa maamulkii talada hayay oo runtii hawshaas si fiican ugu istaagay culumadii, waxgaradkii iyo dadkii ehelka u ahaana ku wareejiyay fulinteeda waxay ahayd calaamada muujinaysa kalsooni ballaaran, sidoo kale dadkii dal iyo dibadaba ka soo gurmaday ALLAAH SWT ajarakiina ha wayneeyo.
Ugu damabayn Soomaaliyey wax badan oo wanaag ah iyo khayr ah baa inaka buuxee aynu taaba galino oo aynu isku soo noqono, waxa qaldana aynu ka dhiidhino oo qayb ka noqono sixidiisa, laakiin waagii baryaba yaynaan faafin kaliya mugdi, is dil, is qarxin, duullaan shisheeye ayagoo jira oo aa la qarin karin hadana hadaynu intaas kaliya faafino inaga ayaa is dilayna oo jiilasha soo korayo waxay aaminayaan inaan mujtamacaan wanaagba loogu tala galin iyo wax qabsi waana waxa qofka iyo umadahaba curyaamiaya, ee iftiinka kale iyo khayrka aynu faafino oo hormarino.
wassalaamu calaykum W/W
ABDISALAN F GAS
gaas78@hotmail.com