Soomaali loo soo carbiyey la dagaalanka diinta ee badali doonta Al-shabaab! W/Q Sh. Axmed Cabdisamad

February 9, 2014 - Written by Editor

Maqaal-300x158Bakayle intuu bur ku jiro ayuu bur kale sii daydaydaa, cadowga islaamkuna inta ay hub ama qorshe kugu la dirirayaan waxay sii diyaarsanayaan hub iyo qorshe ay kaas ku badashaan; waayo xeeladdii ama qalabkii muddo la isticmaalo waa lagula baranayaa.

Dhawr iyo afartankii sano ee la soo dhaafay cadowga islaamku wuxuu inagu la diriray hub kala jaad ah iyo qorsheyaal kala duwan, sida: hantiwadaagga Cilmiga ku dhisan, colaad sokeeye iyo qabqable, kooxda Alshabaab ee magaca diinta huwan oo aan waxba inoo reebin.

Intii aynu ku mashquulsanayn sidaynu mawjadahaas ka yeeli lahayna waxaa cadawga islaamku wadey inuu la dagaalanka diinta iyo ehelkeeda u diyaarsado dad ina ka dhashay oo ina la af iyo midab ah, kuwaas oo buuxin kara kaalinta ay Alshabaab banaynayso.

Al-shabaab dadka waxay ku dirtay diinta iyo dadkii ku baaqayeyba, ciidamada cusub ee cadowgu soo diyaarsadayna dadka ayay diinta ku dirayaan iyaga oo maraya dariiq ka duwan waddadii Al-shabaab martay.

Tusaale ahaan: Al-shabaab dadka intay dilaan ama dhacaan ama ihaaneeyaan ayay ku lahaayeen waxaa ku dilay Ilaahay ama rasuulka ama diinta laakiin kuwaani nusuustii diinta iyo axkaamteedii ayay mid mid u inkirayaan ama u durayaan iyaga oo dadweynaha uga dhigaya in aysan diinta kasoo horjeedin ee ay difaacayaan.

W/Q Sh. Axmed Cabdisamad

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online