Taliyihii ciidanka ammaanka ee maamulka KMG ah ee Jubba oo lagu dilay Kismaayo

February 17, 2014 - Written by Editor

kismaayoKismaayo:-Taliyihii ciidanka ammaanka ee maamulka KMG ah ee Jubba, Ciise Kaambooni ayaa caawa waxaa lagu dilay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose waxaana weerarka lagu dilay ka soo baxaya warar kala duwan.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in koox hubeysan oo wata gaari Tikniko ah ay ku weerareen gurigii uu taganaa dagaal mudo kooban socdayna lagu dilya  Taliyihii ciidanka ammaanka ee maamulka KMG ah ee Jubba, Ciise Kaambooni  iyo laba askari oo ilaalo u ahayd.

Dhinaca kale warar ayaa sheegaya in la weeraray gaari uu watay Taliyihii ciidanka ammaanka ee maamulka KMG ah ee Jubba, Ciise Kaambooni  oo marayey xaafada xaafadda Farjanno  halkaasa uu ku dhintay . Kooxda weerarka geystay ayaa goobta isaga baxsaday waxaana caawa ka socda magaalada Kismaayo howlgalo ay wadaan ciidanka Maamulka Juba.

Ilaa haatan ma  jiraan wax war ah oo ka sooo baxay Madaxda Maamulka KMG ee Juba ,mana jirto cid sheegatay dilka Ciise Kaambooni.

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online