Ugaaska Beesha Sade oo safar ku gaaray magaalada Muqdisho.[Masawiro]

February 18, 2014 - Written by Editor

Ugaaska Beesha Sade (16)Muqdisho:-Wafdi ballaaran oo Horkacayo Ugaaska Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi  ayaa maanta galinkii danbe si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Wafdiga Ugaaska oo kasoo kicitimay Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa soo dhawayntooda ka qayb galay Xubno ka socday labada gole ee dowladda, Xubno ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Salaadiin, Ugaasyo, Malaaqyo, Wabaro, Garaadyo, iyo dadwayne Farabadan, waxaana markii ay garoonka soo caga dhigatay Diyaarada siday Ugaaska ay isgacan qaadeen xubnihii soo dhawaynayay. Ugaaska ayaa loo galbiyay Hoygii loogu talagalay waxaana Shir Jaraa’id oo  Saxaafadda u qabtay uu ugu mahad celiyay xubnihii soo dhaweeyay.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan maanta soo gaaro Caasimada Qaranka ee Muqdisho , waxaan u mahad celinayaa Xubnihii Wasiirada ahaa iyo Salaadiintii soo dhawayntayda qaybta ka qaatay oo runtii mudo badan aan soo wada shaqaynay badankooda , si gaar ah waxaan ugu mahad celinayaa dhammaan cid walba oo qayb ka qaadatay soo dhawaynta aniga iyo Wafdiga ila socday” ayuu yiri Ugaas Maxamed.

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Axmed Cali Salaad (Taako) oo dhankiisa ka hadlay soo dhawaynta Wafdiga Ugaaska ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay soo dhawaynayso Ugaaska iyo Xubnaha la socday.

“Maanta waxaan aad ugu faraxsanahay inaan soo dhawayno Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi hadaan nahay Xukuumadda Soomaaliya waxaan leenahay Ugaaska soo dhawoow, wixii kale ee Faah faahin ah iyo is waraysi dib ayaan ka bixin doonaa” ayuu yiri Wasiirka.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo isna dhankiisa ka hadlay Shirka Jaraa’id ee soo dhawaynta Ugaaska ayaa sheegay Ugaas Maxamed inuu kamid ahaa Xubnihii da’daalka badan ku bixiyay sidii Ummada Soomaaliyeed ay uga bixi lahayd KMG.

“Waxaa maanta Farxad noo ah inaan kusoo dhawayno Magaalada Muqdisho Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi oo Ugaaska beesha Sade ah Caasimada Soomaaliya, anagoo ah Salaadiinta Soomaaliyeed ee Muqdisho ku sugan oo ugu horeeyaan Salaadiintii deegaanka kasoo jeeda oo hadda garbahayga Fadhiya, Ugaas Maxamuud Cali  Ugaas Cabdulle, Ugaas C/laahi Ugaas Faracadde, Ugaas Maxamed Bashiir, iyo dhammaan salaadiinta Soomaaliyed ee ku sugan Magaalada Muqdisho waxay si diiran usoo dhaweeyeen Ugaaska Beesha Sade waxaan leenahay Ugaas soo dhawoow waa Magaaladii aad Ugaaska u ahayd” ayuu yiri Garaad Jaamac oo ku hadlayay Magaca Salaadiintii soo dhaweeyay Ugaaska.

no images were found

Ugaaska Beesha Sade ayaa muddooyinkii u danbeeyay wuxuu ku sugnaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose wuxuuna qayb wayn ka qaatay dhismaha Maamulka KMG ah ee Jubba iyo sidoo kale Maamulkii Jubbaland ee kal hore looga dhawaaqay degmada Kismaayo.

Axmed Nuur Maxamed
Muqdisho, Somalia

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online