Ururka Al-Qaacida oo iska fogeeyey kooxada Daacish ee dagaalka ka wada Suuriya

February 3, 2014 - Written by Editor

bayaan1Bayaan lagu faafiyey mareegaha taageera Al-Qaacida ayaa waxaa lagu cadeeyey in Hoggaanka Ururka Al Qaacidda ee uu madaxda u yahay Dr .Ayman Al-Dawaahiri uu bari ka yahay shaqana ku lahayn kooxada Daacish ee isku magacaawday dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Shamaan.

Bayaanka ayaa waxaa lagu cadeeyey mowqifka Ururka Al-Qacida uu ka qabo dagaalada ka socda dalka Suuriya kaas oo u dhexeeya kooxaha Jihaadka ka wada Suuriya in uu yahay mid fitno ah. Al-Qaacida ayaa sheegtay in aan loo tiirin karin howlgalada guracan oo ay kooxda Daacish ka wadaan dalka Suuriya waxaana ay cod dheer ku sheegeen in uu xaaraan yahay dagaalka ka dhex socda kooxaha ka dagaalamaya dalka Suuriya iyaga oo sidoo kale ka digay daadinta dhiiga Muslimiinta.

Hogaanka Al-Qaacid ayaa in badan talooyin u soo jeediyey kooxada uu madaxada u yahay Al-Baqdaadi oo isku darsaday xadgudub diineed iyo iyaga oo dhagaha ka fureystay dhamaan talooyinkii wadaadii la dhacsanaa Fikirka Al-Qacida ay u jeediyeen. Dr Ayman Al-Dawaahiri ayaa waxaa uu labo mar talooyin u diray kooxaha dalka Suuriya isaga oo si gaar ah ula hadlay labada kooxood ee Jabahada Nusra iyo Daacish balse waxaa talooyinkaas diiday kooxada uu horgalaha u yahay Al-Baqdaadi iyaga oo daaqada kala baxay cid kasta oo siisay talooyin.

In badan oo ka mid ah dhalinta saxwada Islaamiga ah ayaa aad isku weydiiyey wax Al-Qacida ay muhimada gaar ah u siisay dalka Suuriya iyaga oo soo kala dhex galay kooxihii Islaamiyiinta ee is laayey halka Soomaaliya aysan wax talo ah soo siin, Maxay ku kala duwan yihiin Daacishta Soomaaliya.(Al-Shabaab) oo aan cidna reebin iyaga oo laayey madaxdii kooxaha islaamiyiinta ee Soomaaliya bal markii danbe si dhagar ah ku dhilay Ibraahim Afgani,Macalin Burhaan,Abu Mansuur Al-Amriki iyo rag kale oo aad u tiro badan

Hogaamiyaha ururka Al-shabaab Axmed Godane ayaa sheegay in uu taageersan yahay kooxda Daacish waxaana uu fariin cod ah ku amaanay kooxda Al-Baqdaadi. Daacishta Soomaaliya iyo tan Suuriya waxay ka siman yihiin daadinta dhiiga Muslinka ,Gaaleysiinta ,kala dhantaalida midnimada kooxaha Islaamiyiinta iyo weliba madaxdooda oo inta badan kuwo aan la aqoon , shaki weyna laga qabo in ay yihiin Taliyaasha labad Aag [Waa Oraah uu lahaa Sh.Dr axmed Xaaji Cabdiraxmaan Allaha u naxariistee ]oo ah micnaheedu taliye xukuma labo ciidan oo iska soo horjeeda ahna mid shaqaale u ah cadawga Islaamka iyo ehelkiisa. Halkaan ka eeg bayaanka oo qoraal ah

Hoos ka eeg  Bayaanka ay Ururka Al-Qaacida oo iska Fogeeyey kooxada Daacish

no images were found

Bayaanka Ururka Al-qaacid ay soo saareen oo ku qoran afka carabiga ayaan idinkugu soo tarjumi doonaa Afka- soomaaliga ee ha moogaanina

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online