Al-shabaab oo weerar ku qaaday xarunta Villa Soomaaliya ee Muqdisho

February 21, 2014 - Written by Editor

mogadishu-348x250Muqdisho:-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay labo jiho ka soo weerareen  xarunta Madaxtooyadda ee Villa Soomaaliya. Ciidanka ururka Al-shabaab ayaa ka soo weeraray Villa Soomaaliya Albaabka xiga dhanka degmada Boondheere waxaana gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ay ku qarxiyeen albaabka dhanka Degmada Boondheere waxayna intaas ka dib gudaha u galeen xarunta Villa Soomaaliya iyaga oo dagaal foolka fool ah la galay ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM.

Weerarka Labaad ayaa waxaa lagu qaaday guriga uu deganaa taliyaha ciidamada DFS General Indha-qarshe waxaana fooda is daray ilaalada General Indha-qarshe iyo ciidamo tiro yare oo weeraray guriga General Indha-qarshe .Weerarka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac .

Wasiirka amniga qaranka ee DFS Cabdikariim Xuseen Guuleed oo warbaahinta gudaha u xaqiijiyey in la weeraray Villa Soomaaliya wuxuuna sheegay in kooxada weerarka soo qaaday qaarna la dilay qaarna gacanta lagu hayo. ciidanka Al-shabaab ee weerarka ku qaaday Villa Soomaalia ayaa la sheegay in ay labisnaayeen dareyska ciidanka DFS.

Wax yar ka dib weerarka lagu qaaday xarunta Villa Soomaaliya ayaa waxaa weerarka sheegtay ururka Al-shabaab,
Afhayeenka howlgalada ee Ururka Al-Shabaab C/casiis Abu Muscab ayaa u xaqiijiyey Tv Al-Jazeera in ay weerarka ay qaaday kooxdiisa.

Goob joogayaal ku sugan Villa Soomaaliya ayaa sheegaya inay meydadka qaar ka mid ah ragii hubeysnaa ee weeraray madaxtooyada ay haatan yaalaan banaanka iyo gudaha Madaxtooyada Soomaaliya.

Warar hordhac ah oo aan wili la xaqiijin ayaa sheegaya in weerarka ku dhinteen saraakiil ka tirsan DFS waxaana ka mid ah Taliye kuxigeenkii hore ee ciidanka Nabadsugida DFS Jen. Nuur Shirbow halka uu ku dhaawacmay Xoghayihii joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Shirdoon Saacid Maxamuud Xirsi (Indha Case).

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online