Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo u kicitimay New York

February 28, 2014 - Written by Editor

DSC02076Mogadisho, February 28, 2014 – Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta ka ambabaxay Caasimadda Muqdisho , iyagoo ku wajahan Xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada New York , halkaas oo uu ka furmayo Shir looga hadlayo arrimaha ammaanka Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.Shirka golaha ammaanka ay ka yeelanayaan arrimaha ammaanka Soomaaliya ayaa  waxa uu socon doonaa maalmaha 6-8 bisha March.

Sanad ka hor ayaa xubnaha golaha ammaanka ee ka kooban 15-ka xubnood ay isla ogolaadeen in qeyb laga qaado cunaqabateynta hubka ee lagu soo rogay Soomaaliya , si dowladda Soomaaliya ay ugu suura-gasho inay soo iibsato hubka fudud .

Wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga uu hogaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku sii sagootiyay Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada H.E. Said Jama Mohamed Qorshel , Wasiiru dowlaha Wasaaradda H.E. Buri’ Mohamed Hamza  iyo diblomaasiyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page
https://www.twitter.com/mofasomalia
https://www.facebook.com/mofa.somalia

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online