Wafdigii culumada ahaa ee booqday gobolka Sanaag dib ugu soo laabtay Garoowe

February 8, 2014 - Written by Editor

GarooweGaroowe:-Waxaa socodkaan ka qaybgalay Sheekh.Axmed C/samad, Sh. Ciise siciid Beerseexshe oo ah guddoomiye ku xigeenka Mu’assasada Alminhaaj, Sh. Cismaan Maxamuud X. Dirir oo ah madaxa xafiiska gobolada mu’assasada Alminhaaj iyo Sh. C/raxmaan Sh. C/qaadir Nuur oo ah madaxa xafiiska warbaahinta Mu’assasada Alminhaaj faraca gobolka Bari.

Waxaa soo noqodkii culumada ka soo raacay magaalada Ceerigaabo Sheekh C/risaaq Mawlaanaa oo ka mid ah aasaasayaasha iyo madaxda Majliska Albayaan ee dacwada ka wada dalka S/Afrika oo doonaya inuu booqdo gobolo badan oo dalka ah; si uu usoo arko xaaladda dalka iyo dadku ku suganyihiin, uuna saaxiibadiis ugu geeyo jirtada dhabta ah dalkeena taal.

Culumadu intii ay socdaalkaas dheer ku jireen waxay booqdeen sagaal magaalo oo ka wada tirsan gobolka Sanaag, kuwaas oo kala ah: Dhahar, Ceel buh, Xingalool, Damalla xagarre, Carmale, Hadaaftimo, Baran, Ceerigaabo iyo Buraan oo aan kusoo khatinay booqashadayadii. Waxaa kale oo ay mareen tuulooyin dhowr ah oo aysan ku hakan.

Culumadu waxay si gaar ah u booqdeen xarumaha dacwada iyo waxbarashada, sida: masaajidda, malcaamadaha, macaahjida diiniga, maraakista dacwada dumarka, iskoolada, jaamacadaha iwm. Sidda culumadaani socdaalka ugu mareen dhinaca bari ee gobolka Sanaag ayaa culumo kale socdaalo kuwaan la mid ah ugu soo mareen qaybaha kale ee gobolka; sidaa darteed waxaa la oran karaa culumadu sanadkaan waxay ka dhigeen sanadkii gobolka Sanaag.

Culumadii faraha badnayd ee nadwada kaga qaybgashay magaalada Ceerigaabo ee ka kala yimidn magaalooyinka: Laascaanood, Burco, Hargeysa, Boosaaso iyo Garoowe waxaa ka mid ahaa:

1- Sh. Maxamed Cumar Dirir, Sh. Cismaan Cali xuseen, Sh. Maxamed Aadan, Sh. Cawil Faatax, Sh. Faysal Maxamed Cumar iyo Sh. Naasir Barkhad oo Hargeysa ka yimid,

2- Sh. C/qani Aw saalax, Dr. Xasan Sh. Cali iyo Sh. Musdafa Aadan oo Burco ka yimid,

3- Sh. C/naasir Xaaji Axmed, Sh. Axmed Maxamed Suleymaan, Sh. Maxamauud Maxamed Xalliike, Sh. Siciid Axmed Cadar, Sh. Jaamac Maahir, Sh. C/risaaq Mawlaanaa iyo rag weheshay oo Laascaanood ka yimid,

4- Sh. Maxamed Macalin Axmed oo Boosaaso ka yimid,

5- intayadii Garoowe ka tagtay.

6- Waxaa kale oo culumada weheliyey rag kale oo isugu jirey caawiyeyaal iyo warfidiyeen.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online