Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo shirjaraa,id ku qabtay Muqdisho
February 10, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Mohamat Saleh Annadif ayaa shirjaraa,id waxaa uu ku qabtay magaalada Muqdisho waxaana uu sheegay in ciidamada AMISOM ay billaabayaan qorshe cusub oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab waxaana uu ku faanay in Al-Shabaab ay ka saari doonaan deegaanada ay kaga suganyihiin gobalada dalka Soomaaliya
Mohamat Saleh Annadif Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa kale oo uu kaga hadlay shirkiisa jaraa’id ciidamada Kenya ee ku sugan gobalka J/hoose waxaana uu sheegay in ciidamada Kenya ay sii joogi doonaa gobalka J/hoose balse la badalay hogaanka ciidanka AMISOM ee gobalada Jubooyinka waxaana la wareegay ciidanka Seraliyoon
Dhinaca kale Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Mohamat Saleh Annadif ayaa tacsi u diray ehelada muwaadin Soomaliyeed oo ay gawaarida AMISOM ku jiireen magaalada Muqdisho wuxuuna sheegay in wili uu soco baaritaanka sababaha keenay shilka.
Ilaa iyo intii ay ciidamada Itoobiya si rasmi ah ugu biireen ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa madaxada iyo Saraakiisha AMISOM waxay jeedinayeen baaqyo iyo baalxoofteyn badan iyaga oo in badan ku faanay in ay Al-Shabaab meesha ka saarayaan balse ilaa haatan wax dagaal ah la galin kooxada Al-Shabaab.
A/Cawale
Halgan.net