Wasiiradda cusub ee dowladda Puntland oo xilalka la wareegay.[Masawiro]

February 5, 2014 - Written by Editor

13Garoowe:-Waxaa maanta ka dhacday magaalada Garoowe ee xaruta Puntland xaflad ay xil wareejin ku sameeyeen ilaa 12 wasiir oo ka tirsanaa dowladdii hore ee Puntland ee Madaxweynaha uu ka ahaa Dr.Cabdiraxmaan Faroole iyagoo xilka ku wareejiyey wasiirro cusub.

Munaasaabada xilka lagula kala wareegayo ayaa ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimaya iyna ka muuqatay bisal dhinac siyaasada ah oo ay gaareen Madaxda Puntland gaar ahaan xukuumadihii xilka la kala wareegay ilaa intii la aasaasay dowladda Puntland 1998-dii.

Wasiiradii hore ee xilka wareejiyay ayaa ka war bixiyay waxyaabaha u qabsoomay tan iyo intii ay xilalka hayeen , iyagoo sheegay in wax badan ay soo qabteen ayna ku faraxsan yihiin in xilka ay ku wareejiyeen wasiiradda cusub.

Dhinaca kale wasiirada cusub ee xilka la wareegay ayaa waxaa ay amaan u soo jeediyeen wasiirradii ay xilka kala wareegeen iyagoo sheegay in ay soo qabteen howl wanaagsan oo u baahan in la sii gaarsiiyo meel ka wanaagsan meeshii ay sii gaarsiiyeen.

no images were found

Wasiirad xilka la wareegay maanta ayaa waxaa ka mid ah:-

1. Wasiirka caafimaadka Dr Saadiq Enow

2. Wasiirka Arrimaha gudaha Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash

3. Wasiirka amniga Xassan Cismaan Aloore

4.Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Cabdiraxmaan Shiikh Axmed Cabdulle

5. Wasiirka Deegaanka dalxiiska iyo duurjoogta Guuleed Saalax Barre

6. Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Cabdi Ismaaciil Boos

7.Wasiirka Duulista hawada iyo garoomad Xasan Xaaji Siciid Xasan

8. Wasiirka Maaliyadda Shire Xaaji Faarax

9.Wasiirka howlaha guud Cabdirashiid Maxamed Xirsi

10. Wasiirka Cadaalada iyo diinta Ismaaciil Maxamed Warsame

11 Wasiirk ku xigeenka amniga Cabdicasiis Maxamed Adam

12.Wasiir ku xigeenka Duulista hawada iyo garoomada.

Wasiiradda cusub ee xilka la wareegay ayaa balan qaaday in ay si wanaagsan uga soo bixi doonaan howsha weyn oo loo igmada iyagoo ka codsaday wasiiradii hore in wixii talo iyo wada shaqayn ah ay ku biiriyaan si ay cagaha iskugu taagto hanaanka dowladdnimo ee Puntlland.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online