Wasiirka Arrimaha Dibadda ee DFS oo la kulmay Mas’uuliyiinta ka tirsan Hey’adaha QM (Masawiro)

February 11, 2014 - Written by Editor

DSC04004Mogadishu:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Wafdi ka socda hey’adaha qaramada midoobey oo uu hogaaminayay Kuxigeenka ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Q.midoobey u qaabilsan Soomaaliya ahna  isku duwaha arrimaha bani’aadanimada Soomaaliya,isla markaana ah ergeyga degan ee hey’adda UNDP Mr. Philippe Lazzarini waxa ayna ka wada hadleen arrimaha siyaasadda,bani’aadanimada, barakacayaasha gudaha, qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, dhaqan gelinta qorshayaasha barnaamijka hiigsashada cusub (New Deal ) iyo qodobo kale .

Kulankan ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh uu ku soo bandhigay baahida loo qabo kaalin balaaran oo hey’adaha qaramada midoobey ay ka qaataan howlaha dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheyneyso ee dhinacyada horumarinta iyo dib u dhiska dalka .

no images were found

Kulankani oo ku soo idlaaday jawi isfaham leh , ayaa mas’uuliyiinta kale ee hey’adaha qaramada midoobey ka socday ee  ka qeyb galay ay kala ahaayeen Mr. George Conway oo ah agaasimaha hey’adda UNDP ee Soomaaliya iyo Ms. Hanna Schmitt oo ah sarkaalad ku xeeldheer gargaarka waxtarka leh oo ka tirsan Xafiiska ergeyga degan ee hey’adda UNDP.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda

Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online