Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo balanqaaday dib u dhiska iyo howlgelinta Machadka diblomaasiyadda.[Masawiro] .
February 13, 2014 - Written by EditorMogadishu, February 12, 2014- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda H.E. Mahad Mohamed Salad ayaa maanta waxa ay booqdeen qeybaha kala duwan ee dhismayaasha burbursan ee ka tirsan Wasaaradda , kuwaasoo kala ah Waaxda Warbaahinta,Machadka daraasaadka diblomaasiyadda iyo Maktabadda .
Dhismayaashaasi burbursan oo qaar ka mid ah ay degan yihiin dad barakacayaal ah oo ka dhistay guryo jiinkado ah ayaa Wasaaraddu ay qorsheyneysaa inay dib u dhis iyo qalabeyn ku sameyso Machadka daraasaadka diblomaasiyadda iyo dhismayaasha kale ee ku lamaansan , si wasaaraddu ay ugu suura-gasho soo saaridda jiil cusub oo diblomaasiyiin ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa intii uu kormeerka ku jiray salaamayay qoysaska halkaasi deegaansaday, isagoo balan-qaaday inuu dadaal dheeraad ah ku bixin doono dib u dhisidda machadka,maktabadda iyo dhismayaasha kale ee Wasaaradda , waxa uuna xusay inuu hormuud u noqon doono aas’aasidda naadi ay leeyihiin diblomaasiyiinta Soomaaliya.
no images were found
Socdaalka Wasiirka iyo Wasiir kuxigeenka ay ku booqanayeen dhismayaasha Machadka diblomaasi yadda iyo kuwa kale ayaa waxaa ku wehlinayay saraakiisha amniga Wasaaradda.
Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page
https://www.twitter.com/mofasomalia
https://www.facebook.com/mofa.somalia