Dr. Cali Xaaji Warsame Wasiirka cusub ee waxbarashada Puntland oo xilka la wareegay
February 2, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Munaasabad ka dhacday magaalada Garoowe gaar ahaan xarunta wasaarada waxbarashada oo ka soo qeybgaleen masuuliin ka tirsan Wasaarada waxbarashada ayaa waxaa xilka si rasmi ah ula wareegay Wasiirka cusub ee waxbarashada dowlada Puntland Cali Xaaji Warsame .
Wasiirkii hore ee wasaarada waxbarashada Cabdifaarax siciid Juxaa ayaa khudbad kooban ka jeediyey munaasabada xil wareejinta ayaa u mahad celiyey dhamaan shaqaalihii la soo shaqeeyey wuxuuna ugu baaqay in wasiirka cusub si wanaagsan loola shaqeeyo
Wasiirkii hore ee wasaarada waxbarashada Puntland Cabdifaarax siciid Juxaa ayaa munaasabada ku soo bandhigay waxqabadka wasaaradiisa.Wasiirka cusub ee wasaarada waxbarashada Cali Xaaji Warsame ayaa khudbad kooban ka jeediyey munaasabada uu xilka kula wareegay waxaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay guusha ay gaartay wasaarada waxbarashada Puntland
Cali Xaji Warsame ayaa balan qaaday in uu sii horumari doono wasaarada waxbarashada dowlada Puntland waxaana si gaar ah ugu mahad celiyey Drs Maryan Qaasim.
M_M Deeq
Halgan.net