Wasiirka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee DFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dalka Jaban.
February 9, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Safiirka dowladda Japan u fadhiya Kenya ahna u qeybsanaha Soomaaliya Ambassador Tatsushi Terada oo uu wehlinayay Atsushi Yonezawa oo ah Xoghayaha koowaad ahna madaxa siyaasadda iyo arrimaha guud ee Safaaradda .
Kulankan oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiiru dowlaha Wasaaradda H.E. Buri’ Mohamed Hamza ,Wasiir kuxigeenka Wasaaradda H.E. Mahad Mohamed Salad iyo saraakiil kale oo Wasaaradda ka tirsan ayaa looga hadlay Xiriirka labada dal ee dhinacyada siyaasadda,dhaqaalaha iyo ganacsiga , oo ay ku jirto sidii dowladda Japan ay uga fulin laheyd Soomaaliya mashaariic horumarineed .
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday jawi isfaham leh .
Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations