Wasiiro ka tirsan DFS oo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay

February 20, 2014 - Written by Editor

baydhaboBaydhabo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa sheegaya in maanta duhurkii ay gaareen Baydhabo wasiiro ka tirsan DFS waxaana ujeedada socdaalkooda lagu sheegay in ay u kuurgalayaan shirarka siyaasadeed ee kala duwan ee ka socda magaalada Baydhabo.

Wafdiga wasiirada ka tirsan DFS ayaa waxaa hogaaminaya wasiirka G/dhiga ee DFS Maxamed Sheekh Xasan Xaamud waxaana socdaalkiisa ku weheliya 4wasiir oo ka tirsan xukuumada Raisulwasaare Cabdiweli Sheekh waxaana ay kala yihiin:-wasiirka arrimaha gudaha, Cabdullaahi Goodax Barre,wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Saransoor), wasiirka hiddaha iyo tacliinta sare, Ducaale Aadan Maxamuud,wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda, Yuusuf Macallin Amiin Baaddiyow iyo saraakiil ka tirsan ciidanka DFS.

Socdaalka wasiirada ka tirsan DFS ayaa waxaa sidoo kale uu qeyb ka yahay howlgalada ay dhawaan ka bilaabi doonaan ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM gobalada Baay iyo Bakool waxaana laga dareemayaa labada gobal dhaqdhaqaaq ciidan oo iska soo horjeeda oo ay wadaan Al-Shabaab iyo ciidamada AMISOM.

Wafdiga Wasiirada ee ka socda DFS ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona siyaasiyiinta iyo waxgaradka beelaha Dig iyo Mirifle kuwaas oo ku kala qeybsan Maamul gobaleed laga dhisayo magaalada Baydhabo.

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online