Ciidamada PMPF oo sugaya amniga weftiga Madaxweynaha Dowladda Puntland ee ku sugan Dhuusamareeb.[Masawiro]
February 3, 2021 - Written by EditorDhuusamareeb:-Ciidamada PMPF ee dowladda Puntland ayaa waxaa ay qayb kayihiin sugidda Amniga weftiga Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ee ka qayb-galay shirka Dhuusamareeb. Ciidanka PMPF , PSF iyo kuwa Madaxtooyadda Puntland ayaa ku sugan magaalada Dhuusamareeb waxaan ay ilaalinayaan goobaha gaarka ah ee ay ku sugan yihiin Madaxda kale dwuan ee la socda Madaxweynaha dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa ka qeyb galay furitaanka shirka wadatashiga arrimaha Doorashooyinka oo maanta ka furmay magaalada Dhuusomareeb ee Xarunta Galmudug.
Shirkan waxaa ka qeyb galaya madaxda Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah iyo maamulka Gobolka Banaadir iyadoo lagaga tashanayo sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka taagan Doorashada.
no images were found
M_M_Deeq
Halgan.net