Ciidamada PSF ee Puntland oo soo bandhi gay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ay howl gal ku soo qabteen.[Video]

February 14, 2021 - Written by Editor

Boosaaso:-Ciidamada PSF ee Puntland ayaa howl gal ay ka fuliyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan Buuraha Calamadow waxaa ay ku soo qabteen xubno ka tisran ururka Al-shabaab.

Ciidanka PSF ayaa howlgaladan ka sameeyey degaanada Maraje,Booj iyo Dhagax-dhaabur ee Buuraha Cal Madow.

Ciidanka Ammaanka Dowladda Puntland ee PSF ayaa waxaa ay saxaafadda u soo bandhi geen rag ay ku so qabteen howlgal ay ka sameeyeeen Buuraleyda gobolka Bari kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay maleegayeen in ay Qaxaxyo geliyaan inta u dhexeysa Bali Khadar iyo Gal-gala si ay ugu bartilmaamaystaan ciidamada amaanka ee Puntland ee Saldhigyada ku leh Buuraha Calmadow.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ciidamada PSF iyo PMPF Puntland ay si wada jir ah hawlgal uga fuliyey degaanada Muguc iyo Ceel Onkod, wadada isku xirta Sugure, Balikhadar iyo Galgala ee Buuraha Cal Madow.

Saraakiisha Ciidamada difaaca Puntland waxay sheegeen in ay sii wadi doonaan gulufkooda ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah si Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ba ay u noqdaan nabad iyo waddan ka caaggan falalka argagixisanimo.
M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online