Ciidamada PSF iyo PMPF oo howl ay fuliyen ku qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish.[Masawiro]

February 9, 2021 - Written by Editor

Boosaaso:-Ciidamada PSF iyo PMPF Puntland oo si wada jir ah hawlgal uga fuliyey degaanada Muguc iyo Ceel Onkod ee Buuraha Cal Madow, ayaa howlkaas ku soo qabtay xubno ka tirsan ururka Al-shabaab oo miinooyin iyo qaraxyo ku aasa wadada isku xirta Sugure, Balikhadar iyo Galgala.

Ciidamada PSF iyo PMPF Puntland ayaa ku howl galay xog ay hellen ka dibna waxaa ay isla saaka bilaaben howl gal ka dhan ah Al-shabaab iyo Daacish, Saraakiil ka tirsan ciidanka PSF iyo PMPF oo la hadlay saxaafadda ayaa u sheegay in howl galka uu ku soo dhamaaday guul.

Ciidamada difaaca Puntland way sii wadi doonaan gulufkooda ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah si Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ba ay u noqdaan nabad iyo waddan ka caaggan falalka argagixisanimo.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

251,103 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>