Ciidamada PSF oo howl ka fuliyey deegaano ku teedsan Buuraha Calmadow ee Gobolka Bari.[Masawiro]

February 2, 2021 - Written by Editor

Boosaaso:-Ciidamada PSF Puntland ayaa waxaa ay shalay ka fuliyeen howlgal deegaano ku teedsan Buraha Calmadow ee Gobolka Bari waxaan ay qoraal ay soo saareen ay kaga hadleen gobaha ay howlgalka ka fuliyeen.

Ciidanka PSF ayaa qoraalkooda ku sheegay in shalay oo taariikhdu ahayd February 01, 2021 ay hawlgal ka fuliyeen degaanka Dolqooxle ee Buuraha Cal Madow oo hoostaga tuulada Afurur ee gobolka Bari.

Hawlgalkan ay ciidanka PSF fuliyeen ayaa yimid ka dib markii ay ciidanka PSF heleen xog sheegaysa in ay Buuraleyda aaggaas ay yimaadeen kuna dhuumalaysanayaan Xubno ka tirsan cadowga Al Shabaab.

Ciidamada PSF way sii wadi doonaan hawlgallada qorshaysan oo ay ku beegsanayaan kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish, shacabka reer Puntland na waxaan ka codsanaynaa in ay ciidamadooda ku garab istaagaan ka hortaga cadowga ku hawllan gumaadka iyo waxyeelaynta shacabka Soomaaliyeed.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online