Golaha Midowga Musharaxiinta Mucaaradka oo ku baaqay in la dhiso Gole Qaran.[Video]
February 8, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Golaha Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa goor dhow waxaa ay Warsaxaafadeed ka soo saareen muda xileedka dastuuriga ee Madaxweynihi hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Mohamed Abdullaahi Farmaajo oo dhamaaday iyo Xaalada Dalka ee doorashooyinka.
Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa ku baaqay in la dhiso Gole Qaran oo ay xubno ka yihiin Guddoomiyeyaasha labada aqal, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Wakiilo ka socda Musharaxiinta iyo Bulshada rayidka.
Golaha Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa warsaxaafeedkooda ku sheegay “Laga bilaabo 8-Febaraayo 2021 Golaha Midowga Musharaxiinta uma aqoonsano Maxamed Cabdullahi Farmaajo in uu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya”.
Hoos ka Akhriso warsaxaafadeedka ay soo saareen caawa Golaha Midowga Musharaxiinta Mucaaradka
no images were found
A/cawaale
Halgan.net