Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo dhaariyey 8 xildhibaan oo cusub[Video/Masawiro]

February 3, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Fadhiga 25-aad, Kalfadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman, ku xigeenka 2aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta looga hadlay soo jeedinta ogolaanshaha Xubinnimada 8 Xildhibaan oo cusub iyo ka doodista Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha.

Sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland qodobadiisa 61-aad iyo 132-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, waxaa Golaha Wakiillada lagu hor dhaariyey 8 Xildhibaan oo cusub kuwaas oo bedelay Xubnihii hore ee laga Xayuubiyey Xubinnimadii iyo Xasaannada.

Magacyada Xildhibaannada cusub ayaa kala ah;
1. Xildhibaan Cabdirashiid Maxamuud Yuusuf ( Afgaduud)
2. Xildhibaan Maxamed Cabdi Faarax
3. Xildhibaanad Maryan Cismaan Axmed Fangase
4. Xildhibaan Faarax Sulub Jaamac
5. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Saalax ( Abuu baraa)
6. Xildhibaan Cabdicasiis Xuseen Maxamuud ( Garagoos)
7. Xildhibaan Cabdiqani Nuur Faarax Muuse
8. Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Gurey Mirood

Dhinaca kale, Xildhibaannada Golaha Wakiilada ayaa gudo galay inay qodob-qodob uga doodaan Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha kaas oo ka kooban 36 Qodob.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online