Guddoomiyaha Aqalka Sare oo soo dhaweeyey in shirka Wadatashiga Qaran ka dhaco magaalada Muqdisho
February 10, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi ayaa taageray soona dhoweeyay soo jeedinta dowladda Puntland ee ah in shirka lagu baaqay 15 February uu ka dhaco magalada Muqdisho, ayna ka soo qeyb galaan dhamaan Saamileyda siyaasadda , bulshada rayidka, iyo weliba Beesha Caalamka.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi ayaa so jeediyey in la ilaaliyo xasiloonida dalka iyo nabadgelyada iyo in laga fogaado wax walba oo qalalaaso ku keeni kara horumarka dalka iyo nabadgelyada.
no images were found
A/cawale
Halgan.net