Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Siyaasiyiinta Gobolada Woqooyi oo ka horyimid shirka Dhuusamareeb.[Video]
February 3, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Kulan ay iskugu yimaadeen Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee maamulka Somaliland ayaa waxaa ay ka soo saareen bayaan si wadajir ah iyagoona sheegay in aysan ku qanacsanayn shirka ka socda magaaladaDhuusamareeb uuna yahay shir aan loo dhamayn maadaama ay ka maqan yihiin xubnihii muhiimka ahaa ee matalayey Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.
Hoos ka Daawo Shirjaraa’id Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Siyaasiyiinta Gobolada Woqooyi.
Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee maamulka Somaliland kuna sugan magaalada Muqdisho ayaa ku dooday in ay muhiim tahay in ay ka qab galaan shirka Dhuusmaareeb maadaam qodobada khilaafku ka taagan yahay ay ka mid tahay qaabka doorashada ee lagu soo xulayo xubnaha ka soo jeeda Gobollada Waqooyi.
Dhinac kale Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi oo dhaleeceeyay madaxweyne Farmaajo isagoo sheegay in uusan aqoonsanayn dasuurka dalka Soomaaliya iyo in uusan ogolayn Federaalka la qaatay iyo aqalka sare
no images were found
A/cawale
Halgan.net