Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Siyaasiyiinta Gobolada Woqooyi oo ka horyimid shirka Dhuusamareeb.[Video]

February 3, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Kulan ay iskugu yimaadeen Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee maamulka Somaliland ayaa waxaa ay ka soo saareen bayaan si wadajir ah iyagoona sheegay in aysan ku qanacsanayn shirka ka socda magaaladaDhuusamareeb uuna yahay shir aan loo dhamayn maadaama ay ka maqan yihiin xubnihii muhiimka ahaa ee matalayey Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

Hoos ka Daawo Shirjaraa’id Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Siyaasiyiinta Gobolada Woqooyi.

Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee maamulka Somaliland kuna sugan magaalada Muqdisho ayaa ku dooday in ay muhiim tahay in ay ka qab galaan shirka Dhuusmaareeb maadaam qodobada khilaafku ka taagan yahay ay ka mid tahay qaabka doorashada ee lagu soo xulayo xubnaha ka soo jeeda Gobollada Waqooyi.

Dhinac kale Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi oo dhaleeceeyay madaxweyne Farmaajo isagoo sheegay in uusan aqoonsanayn dasuurka dalka Soomaaliya iyo in uusan ogolayn Federaalka la qaatay iyo aqalka sare

A/cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online