Hoobiyaal lagu weeraray caawa magaalada Dhuusamareeb

February 4, 2021 - Written by Editor

Dhuusamareeb:-Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gal-Mudug ayaa sheegay in caawa magaalada lagu maqlay dhawaqa Hoobiyaal ah iyo rasaas fara badan oo ka dhacaysa duleedka magaalada gaar ahaan dhinac garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb.

Wararka ayaa sheegaya in dablay hubaysan ay weerar ku qaadeen xero ciidan oo ku taal duleedka magaalada Dhuusamreeb ka dibna uu dagaal dhexmaray ciidamada ku sugnaa xeradaas walow ilaa hadda aan la ogayn khasaaraha ka dhashay weerarka caawa.

Dhinac kale saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u xaqiijiyey warbaahinta dowladda Federaalka Soomaaliya weerar caawa waxaan ay xuseen in ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Gor-Gor ay iska caabiyeen weerarka Al-shabaab.

Wasiirka Amniga dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo Taliyeyaasha howlgalka hoggaaminayay oo la hadlay warbaahinta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in howlka caawa ay ku dileen ilaa 8 xubnood oo ka tirsan ururka Al-shabaab iyagoona gacanta ku dhigay gaadiid, Hoobiye iyo hub fudud oo lagu dhibaatayn lahaa shacabka magaalada Dhuusamareeb.
A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online