Jubbaland oo taageertay in shirka Wadatashiga Qaran uu ka dhaco magaalada Muqdisho
February 10, 2021 - Written by EditorKismaayo:-War qoraal ah oo ka soo baxay caawa Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu taageeray in shirka wadatashi Qaran ee uu Madaxweyne Farmaajo u iclaamiyey Madaxad Federaalka iyo Madaxda dowladda gobolleedyada in lagu qabto magaalada Muqdisho
Madaxtooyadda Jubbaland ayaa qoraalkooda ku yiri ”Jubaland waxaa ay tixgelin siinaysaa kan qayb galaysaa shirka lagu baaqay 15 Feberaayo 2021. Waxaana soo jeedinaysaa in uu ka qabsoomo magaalada Muqdisho,lana balaadhiyo madasha, maadaama muddo xileedkii Hay’adaha Dastuuriga ah uu Dhamaaday’
M_M_Deeq
Halgan.net