Madaxweynaha Dowladda Puntland dib ugu laabtay Garoowe
February 8, 2021 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid C/laahi Deni iyo wafdi uu hoggaami nayo oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Gal-Mudug ayaa dib ugu laabtay magaalada Garoowe.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid C/laahi Deni ayaa waxaa Garoowe ku soo dhaweeyey Xubno ka tirsan Golahiisa wasiirada iyo Golaha wakiilada Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid C/laahi Deni ayaa qayb ka ahaa shirkii fashilmay ee ay ka wada qayb galeen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul gobolleedyada oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.
Shirka ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ayaa la filayey in lagu gaaro heshiis habraac oo loo qabto doorashada Madaxweynanimo oo dhawaan la filayey in la qabto magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
A/cawaale
Halgan.net