Madaxweynaha Dowladda Puntland oo safar dhulka ah ku yimid Dhuusamareeb.[Masawiro/Video]

February 2, 2021 - Written by Editor

Dhuusamaeeb:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar dhinaca dhulka ah kusoo gaaray magaaladda Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdikaariye Qoor Qoor iyo xubno ka mid ah masuuliyiinta Galmudug.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdigiisa ayaa waxaa ay ka soo dageen garoonka magaalada Cadaaado ka dibna waxaa ay safar dhinaca dhulka ugu soo baxeen magaalada Dhuusamareeb e caasimada maamulka Gal-Mudug.

Socdaalka Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la xiriira ka qayb galka shir ay ku baaqeen isaga iyo dhigiisa Jubbaland waxaan arrinkaas la qaatay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulada kale si xal looga gaaro khilaafka ka aloosan doorashada.


M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online