Madaxweynaha PL oo caawa xarunta PDRC ka jeedin khudbad ku saabsan marxalada Siyaasadeed ee Soomaaliya

February 21, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa caawa saacadu markay tahay 07:30 PM ka jeedin doona xarunta PDRC ee Garoowe khudbad uu kaga hadli doona marxalada Siyaasadeed ee dalka Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan dorashooyinka dalka.

Kulanka Hadal jeedinta ee Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa la filayaa in uu kaga hadlo shirarkii wadatashi Qaran ee ka dhacay Dhuusamareeb 1,2,3 , Muqdisho iyo weliba magaalada Baydhabo oo dhamaantod looga hadlayey xal ka gaarida doorashada dalka Soomaaliya ee uu hareeyey khilaaf iyo is mari waa.

Hadal jeedinta caawa loo balansan yahay ee Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni ayaa ku soo beegmaysa xili maanta warsaxaafeedd ka soo baxay maamulka Jubbaland ay ku xireen ka qayb galka shirka wadatshiga Qaran ee magaalada Muqdisho ilaa 5 qodob.

Dhinac kale magalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan maamulada Gal-Mudug. Hirshabeelle, iyo Koonfur Galbeed waxaan ay maanta shirar hordhac ah la leeyihiin Madaxweyne Farmaajo shirkaas oo ka socda xarunat Villa Soomaaliya.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online