Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyey geerida Sh Nuur Baaruud Gurxan

February 16, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa waxaa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Qoyska iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Sh.Nuur Baaruud Gurxan oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaan uu xusay in tacsi la wadaagaya dhamaan ummadda Soomaaliyeed, guud ahaan ama gaar ahaan Culimada Soomaaliyeed, ehelkiisii iyo qoyskii uu ka geeriyooday Sh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ahaa culimada waaweynaa ee dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa alle uga baryey in Sheekh Nuur Baaruud Gurxan uu naxariistii Alle siiyo qoyskii , eheladii iyo dhamaan umadda Soomaaliyeedna uu ka siiyo sabar iyo bedel kheyr qaba.
M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online