Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyey geerida Ugaas Xassan Ugaas Khilaaf

February 23, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane a Siciid Cabdullahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Dowladdaba waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo caawa ku geeriyooday Muqdisho.

“Alle ha u naxariisto Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, wuxuu ahaa Odey Soomaaliyeed oo kaalin muhim ah kasoo qaatay dhismaha dowladdnimada, Nabadgelyada, arrimaha Bulshada iyo horumarka guud ahaan Soomaaliya.

Wuxuu ahaa shakhsi siweyn looga yaqaanay dalka oo ku sifoobay wanaag iyo nabad ka shaqeyn, waxaan tacsi u diraya ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan hoggaanka dhaqanka, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday.”

Madaxweynaha Puntland waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro , Jannatul fardawsana ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo eheladiisii.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online