Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey geerida uldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Cabdullaahi

February 12, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, dhaqanka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Cabdullaahi oo ku geeriyooday magaalada Hargaysa.
Madaxweynaha oo tilmaamay in Marxuumku uu door muuqda kasoo qaatay dib u heshiisiinta, adkeynta wadajirka iyo dadaalladii dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed ayaa si gaar ah uga tacsiyeeyey Isimada iyo guud ahaan hoggaanka dhaqanka Soomaaliland geerida ku timid Marxuumka oo ahaa Suldaankii Guud ee Soomaaliland.

“Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir waxa uu ka soo qeyb qaatay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed. Waxa uu ka mid ahaa hormuudka dhaqanka Soomaaliyeed ee dadaalka ku bixiyey dib u yagleelidda Qarannimada dalkeenna iyo wadajirka shacabkeenna, isaga oo si gaar ah uga qeyb qaatay Shirkii Carta 2000, kana mid noqday Xildhibaannadii Dowladdii Kumeelgaarka ahayd.”
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi
Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online