Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad ka jeediyey Kulankii 4aad ee gaarka ah ee Kal- fadhiga 8aad ee Golaha Shacabka.[Masawiro/Video]

February 6, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uga warbixiyey Shirkii Wadatashiga heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee ku qabsoomay magaalada Samareeb ayaa ku bogaadiyey Labada Aqal ee Baarlamaanka sida ay uga qeyb qaateen in dalku aanu gelin firaaq-dastuuri ah.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka la wadaagay dadaalka dowladdu ay ku bixineyso hirgelinta doorashooyinka dalka, isaga oo dul istaagay sida ay uga go’an tahay Madaxda heer Federaal fulinta heshiiskii 17-ka Sabteembar ee ay gaareen dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ayna ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka.

“Waxaan tanaasulka ka soo bilownay sharcigii doorashada ee ay Golahani meelmariyeen, ilaa shirka aan hadda ka soo laabannay ee Samareeb. Waxaana gaarsiiyey heer ay gacantooda ku soo qortaan heshiiskii 17-ka sebteembar 2020, anigoo u arkayey in ay muhiim tahay midnimadeenna iyo wadajirkeenna si loo gaaro heshiis siyaasaddeed oo ka turjumaya hiigsiga shacabka Soomaaliyeed”

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay caqabadaha siyaasadeed ee soo wajahay heshiiskii doorashada, kuwaas oo ka yimi maamulada Puntland iyo Jubbaland oo diiday dhaqan-gelinta qodobbadii ay horey u saxiixeen, taas oo muujisay sida ay uga caga-jiidayaan qabsoomidda doorasho loo dhan yahay.

“Labo qodob oo kaliya ayaan u soo bandhigay markii aan ku guda jirnay Wadahadalladii Heshiiskii 17-kii Sebteembar, kuwaas oo kala ahaa in laga dhimo Haweenka Soomaaliyeed ee doonayo in ay ka mid noqdaan Labada Gole ee Baarlamaanka lacagta isdiiwaan gelinta iyo in ay doorashada maamulaan Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka, kuwaas oo aan u aragnay in ay dhexdhexaad ahaayeen maadaama magacaabistoodu ay naga horreysay, labadaas qodobba waa la iga diiday, waana tanaasul kale oo aan u sameynay qabsooomidda doorashada.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in ay iswaansan doonaan oo u turi doonaan dalka iyo dadka Madaxda Dowlad-goboleedyada ee ka caga jiiday fulinta heshiisyadii doorashooyinka ee ay horey u ansixiyeen, isaga oo adkeeyey muhiimadda midnimadu iyo in loo tanaasulo danta guud.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online