Madaxweyne ku xigeenka Jubaland oo wax laga wiidiiyey dib u dhac ku yimid shirkii Muqdisho.[Dhagayso]
February 20, 2021 - Written by EditorKismaayo:-Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamed Sayid Aadam oo waraysi gaar ah siiyey idaacadda BBc-da laanteeda afka Soomaaliya ayaa wax laga wiidiiyey sabab dib u dhac ku keentay shirkii wadatashi Qaran oo Madaxweyne Farmaajo ku baaqay oo la filayey in uu ka dhaco magaalada Muqdisho e caasimada dalka soomaaliya.
Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamed Sayid Aadam ayaa sheegay in Jubaland ay diyaar u tahay in la qabto shir wadatashi Qaran oo loo dhan yahay laguna qabo Muqdisho horayn ay ugu baaqeen bale xaaladaha ka jira magaalada Muqdisho ay eegayaan maadaam qalalaaso siyaasadeed uu ka jiro maalmahaan.
Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamed Sayid Aadam ayaa taci u diray dhamaan dadkii ay wax ka soo gaareen Banaanbixii la doonayey in uu ka dhaco Daljirka Dahsoon shalay oo ay jooiyeen ciidamada dowladda Federaalka Sooomaaliya.
Hoos ka Dhagayso waraysiga ee BBc-da la yeelatay Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamed Sayid Aadam
A/cawale
Halgan.net