Midowga Musharaxiinta oo sheegay in ay sii wadayaan Banaanbaxyada.[Video]

February 20, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa saaka waxaa ay kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho ee caasimada dalka waxaan ay ka wada hadlen shaqaaqadii ka dhacaday Daljirka dahsoon ee looga horistaagay Banaanbax ay doonayeen inay ku muujiyeen aragtidooda siyaasadeed ee dalka.

Gudoomiyaha Golaha Midowga Musharaxiinta ahna Madaxweynihii hore e Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed ayaa wax laga xumaado ku timamaay in cidamadii ay sidda hagara la’aanta u dhiseen loo adeegsado dad shacab ah oo samaynayey banaanbax nabadeed oo ay aragtidood xuquuqeed ay ku muujiyeen.

Gudoomiyaha Golaha Midowga Musharaxiinta ahna Madaxweynihii hore e Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed ayaa sheegay in aysan suura gal ka ahayn in Madaxweyne Farmaajo uu dalkaan ka qaban karo doorasho xor iyo xalaal ah maadaama loo adeegsaday hub waaweyn dad shacab ah oo si nabad ah u muujinayey aragtidooda.

Hoos ka Daawo shir jar’aad oo ay magaalada Muqdisho ku qabteen Golaha Midowga Musharaxiinta.

Dhinac kale warsaxaafeed ka soo baxay Golaha Midowga Musharixiinta ayey ku sheegeen in aysan joojin doonin dibadbaxyada ka dhanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee Madaxweynaha ka yahay Maxamed C/laahi Farmaajo ayna cambaareynayaan falkii foosha xumaa ee shalay ay ka geysteen ciidamada dowadda Daljirka Dahsoon lana doonayey in lagu dilo madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya , Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Somaaliye iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Hoos ka Akhriso Warsaxaafadeedkii ka soo baxay Golaha Midowga Musharaxiinta

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online