Ra’isul Wasaaraha JFS oo Khudbad ka hor jeediyey Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.[Masawiro/Video]

February 10, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’isul wasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanata waxaa uu Khudbada ka hor jeediyey Xidhibaanda dowladda Federaalka Soomaaliya isagoo uga waramay waxyaabihii u soo qabsoomay 100 maalin ee Xukuumadiisu ay jirtay.

Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka Somaaliya ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay samaysay Tanaasul badan khilaafkii ka taagnaa doorashooyinka waxaan kale oo hortiinna Ummadda Soomaaliyeed uga caddeynayaa inaan u taaganahay hirgalinta doorasho la isla ogolyahay caqabad-kastana aan ka hor wareejineyno,anigoo taageersan Shirka wadatshiga Qaran ee 15-bishaan uu ku dhawaaqay Madaxweynuhu”

Dhinac kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa yiri “Anigoo ka faa’iideysanaya munaasabaddan waxaan rabaa in aan ku wargeliyo shacabka Soomaaliyeed in uu xil naga wada saaran yahay ilaalinta amniga iyo xasiloonida dalka,Qofna lagama aqbalayo in uu isku dayo qalqal galinta amniga iyo degganaanshaha dalka.”


A/cawaale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

251,103 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>