Saraakiisha Booliska Gobalka Bari oo ka shiray amniga Gobolka.

February 21, 2021 - Written by Editor

Boosaaso:-Shirka amniga oo ay ka qayb galeen Taliyaasha Saldhigyada loo xil saaray sugidda amniga iyo Saraakiisha Booliska Gobalka ayaa looga hadlay shirka manta iyo sidoo kalle xoojinta amniga ka hortagista Maandooriyaha iyo dhalinyarada dhaca xatooyada u geesta dadweynaha xiliyada habeenkii ah kuwaas oo ay jiraan kuwa badan oo ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen Maxkamada La Horgeen doono xili dhow.

Kusimaha Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Le Yuusf Cabdi Cartan ayaa ka war bixiyay natiijada shirka amniga isagoona sheegay in la isla gartay in bulshada Gobalka Bari ay muujiyaan xoojinta amniga iyo garab istaag ay siyaan ciidmada Booliska si looga hortago wax walba oo dhibaato amni sameenkara.

Waxa uu sheegay in booliisku ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad loo soo qabtay Khamri,Sharcigana la hor gayn doono, waxa uu sidoo kale sheegay in aysan jirin cid sharciga ka wayn, askariga kasta oo ka tirsan ciidamada amniga ee dhib u gaysta mawaadinksta sharciga la marsiin doono.
Sarakiisha Boolsika Gobalka Bari ayaa ugu danbeyn Shacabka Bosaaso ka codsaday in laamaha amniga ay kala shaqeeyaan sugidda amniga iyo hagaajintiisa.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online