Shirka Nabadeynta 2 beelood oo Walaalaha oo ka furmay degmada Isku shuban.[Masawiro]
February 11, 2021 - Written by EditorBoosaaso:-Guddigii Uu madaxweyne Said Abdullahi Deni u xilsaaray xalinta Shaqaaqadii beelaha walaaha ku dhexmartay Aaga degmada Isku shuban ayaa saaka waxaa ay ku soo dhaweeyeen degmada isku shuban Ergada mid ka mida labada beelood ee la heshiisiinayo.
Guddigaan oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda amniga & DDR-ta Dowlada Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan,maamulka Gobolka bari,& maamulka degmada isku shuban ayaa ergadaan soo dhaweeyay.
Degmada isku-Shuban ee gobolka Bari ayaa maanta waxaa si toosa uga furmay shirka Nabadeynta beelihii dhawaan shaqaaqadu ku dhexmartay aaga degmada isku shuban.
Dhamaan waxaa ku sugan degmada Isku shuban ergooyinka labada beelood ee walaalaha ee dhibku dhexmaray iyo weliba Guddigii dhawaan Madaxweynaha Puntland Said Abdullahi Deni arinkaan u xilsaaray, gaar ahaan Maamulka Gobolka bari,Wax-garadka labadii beelood & masuuliyiin kale ayaa ku sugan madasha gogosha nabadeed taalo.
Si toosa ayaa hadda u furmay shirka Nabadeynta beelaha walalaaha ee dhawaan shaqaadu ku dhexmartay aaga degmada Isku-Shuban ee gobolka Bari.
no images were found
M_M_Deeq
Halgan.net