Shirkii wadatashiga ee DFS iyo Maamul Gobolleedyada uga socday Dhuusamareeb oo Burburay.[Video]

February 6, 2021 - Written by Editor

Dhuusamareeb:-Wasiirka Warfaafinta e Dowladda Federaalka Soomaaliya Cismaan Dubbe oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in shirkii wadatashiga ee u dhexeeyay DFS iyo Maamul goboleedyada uu bur buray isagoona sheegay in shir kale la qaban doono.

Wasiirka Warfaafinta e Dowladda Federaalka Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa sheegay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya uu u safari doono magaalada Muqdisho isagoona kulan la qaadan doona 2 aqal ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilo ku dhow dhow Shirka Dhuusamareeb ayaa Halgan.net u sheegaya in Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ,maamulka Jubbaland iyo Puntland ay isku afgaran waayeen in xal loo helo khilaafka ka aloosan Gobolka Gedo sidoo kale waxaa la isla fahmi waayey xubnaha doorashada ee ka imaanaya Gobollada Waqooyi.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland iyo Puntland ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay iyaguna ka hadlaan sababta kaliftay in shirka wadatashiga ee u dhexeeyay DFS iyo Maamul goboleedyada uu burburo.

Wixii soo kordha kala soco Halgan.net
A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online