Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa soo dhaweeyey ciidamo cusub oo sugaya amniga Boosaaso.[Video/Masawiro]
February 6, 2021 - Written by EditorBoosaaso:-Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo ay Wehliyaan qaar ka mid ah Saraakiisha ciidanka ee Gobalka Bari ayaa Magaalada Bosaaso Ku soo dhaweeyay Ciidamo Dhawaan Tababar ugu soo dhamaaday Xerrada Tababarada Ciidamada Dowlada Puntland ee Magaalada Qardho.
Ciidamadaan Cusub ayaa waxaa ay bedeli doonaan Ciidamo ka tirsan Booliska Gobolka Bari oo loo diri doono in ay tababar ku soo qaataan Xerada Xorgoblle ee magaalada Qardho e xarunta Gobolka Karkaar.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Ciidamadaan La Hadlay Isagoo sheegay In magalada Bosaaso ay ugu Tegi doonaan shacab Wanaagsan Ooo Jeceyl Amniga waxana uu kula dardaarmay In Bulshada ku nool Boosaaso si hufan oo waafaqasan nidaamka Ciidamada loogu adeego.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud “Askarigi Qof shacab ah dhibaato u Geesta waa danbiile mana jiri doonto in qof shacab ah xabad loogu tala galay cadowga lagu rido masuuliyadaas waxaa qaadanaya Askarigii sidaas sameeya Sharciga ayuuna marayaa”
no images were found
M_M_Deeq
Halgan.net