Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Amniga PL oo gaaray degmada Isku shuban.[Masawiro]
February 10, 2021 - Written by EditorBoosaaso:-Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Amniga & DDR-TA Dowlada Puntland Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan ahna Gudoomiyaha Guddiga xal u helidda shaqaaqadii ka dhacday Aagga degmada Isku shuban ayaa maanta gaarey Degmada Isku shuban.
Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Amniga & DDR-TA Dowlada Puntland ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka wasaaradda Hawlaha guud axmed Bashiir Muuse, Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo biyaha Axmed Taaraan , Wasiiru dawlaha Wasaaradda arrimaha gudaha Kulan, iyo Wasiiru- dawlaha Wasaaradda dekkadaha Maxamed Yusuf wacays Dhedo & Guddoomiye xigeenka Labaad ee Gobolka Bari.
Wafdiga ayaa maanta kulan la qaatay bulshada degmada Isku shuban iyagoo kala hadlay xoojinta nabad-galyada deegaanka.
Maalinla berri ah waxaa si toosa u bilaabanaysa gogosha nabadeed ee lagu heshiisiinayo Beelaha walaalahaa ee shaqaaqadu dhawaan ku dhex martay Aaga degmada Isku shuban.
no images were found
M_M_Deeq
Halgan.net