Wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka QM James Swan oo gaaray Kismaayo.[Masawiro]

February 23, 2021 - Written by Editor

Kismaayo:-Wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka QM James Swan ayaa saaka gaaray magaalada Kismaayo e xarunta KMG ah ee Jubaland waxaan uu kulamo gooni gooni ah la leeyahay madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo golihiisa xukuumada.

Wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka QM James Swan ayaa u jeedka safarkiisu yahay sidii maamulka Jubaland loogu qancin lahaa in ay ka soo qayb galaan shirka wadatshiga Qaran ee lagu qabanayo magaalada Muqdisho walow ay ka soo qayb galka shirka ay ku xireen ilaa 5 qodob.

Beesha Caalamka oo uu wakiil ka yahay Ergeya gaark ah ee QM James Swan ayaa weli ku mashquulsan in ay isku soo jiid jiidaan Madaxda Soomaalida ee uu ka dhexeeyo khilaafka ku saabsan qaabka loo qabanayo doorashada xili uu waqti xileedkii ka dhamaaday 3 gole ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Safarka Wakiilka QM James Swan ee magaalada Kismaayo ayaa ku soo beegmaya xili shalay wafdi ka socda Midowga Yurub ay safar ku tagaaen magaalada Garoowe iyagoo kulamo la qaatay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni walow aan la shaacin wax ka soo baxay kulmadaas ka dhacay Garoowe.

Beesha Caalamka ayaa dadaal ugu jira sidii Madaxda Puntland iyo Jubbaland loogu qancin lahaa in ay ka soo qeyb geli shirka Wadatashiga Qaran ee Muqdisho, si xal deg deg ah looga gaaro is mari waaga ka taagan hirgelinta hannaanka doorashada.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online