Wasiirka Amniga JFS lama qaban karo wax Banaanbax ah [Video]
February 23, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Wasiirka Wasaarradda amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Xundubey oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la joojiyey wax banaanbax ah oo ay sameeyaan Midowga musharaxiinta ama taagerayaasha dowladda maadaama COV-19 uu soo badanayo sidda ay sheegeen Saraakiisha caafimaadka e e wasaarada caafimaadka.
Wasiirka Amniga ee Dawladda Federaalka Xassan Xundubey ayaa sheegay in go’aanka Banaanbaxa u yahay sidiisii hore maadaama ay weli jirto khatarta Cov-19 iyo khataro amni sidaas datreed waxaa uu wasiirku soo jeediyey in cid walba oo wax tabanayso ay u hogaan samaan codsiga Ra’iisul wasaare Rooble oo ahaa in cid walba oo wax qabta ama tabanaysa ay la soo xiriiraan xafiiska Ra’iisul wasaaraha.
Dhinac kale Wasiirka Wasaarradda Warfaafintan Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in wixii ka dhacay 19kii bishan Febraayo magaalada Muqdisho uu ahaa isku day afganbi.
A/cawaale
Halgan.net