Wasiirka Amniga JFS lama qaban karo wax Banaanbax ah [Video]

February 23, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Wasiirka Wasaarradda amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Xundubey oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la joojiyey wax banaanbax ah oo ay sameeyaan Midowga musharaxiinta ama taagerayaasha dowladda maadaama COV-19 uu soo badanayo sidda ay sheegeen Saraakiisha caafimaadka e e wasaarada caafimaadka.

Wasiirka Amniga ee Dawladda Federaalka Xassan Xundubey ayaa sheegay in go’aanka Banaanbaxa u yahay sidiisii hore maadaama ay weli jirto khatarta Cov-19 iyo khataro amni sidaas datreed waxaa uu wasiirku soo jeediyey in cid walba oo wax tabanayso ay u hogaan samaan codsiga Ra’iisul wasaare Rooble oo ahaa in cid walba oo wax qabta ama tabanaysa ay la soo xiriiraan xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Dhinac kale Wasiirka Wasaarradda Warfaafintan Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in wixii ka dhacay 19kii bishan Febraayo magaalada Muqdisho uu ahaa isku day afganbi.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

259,214 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>