Wasiirka Gaashaandhigga JFS oo gaaray Dhuusamareeb.[Masawiro]
February 17, 2021 - Written by EditorDhuusamareeb:-Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Gaashaandhigga XFS Md. Xasan Xaaji oo ay ka mid yihiin Guddoomoyaha Maxkamadda sare ee CQS Col. Maxamuud Axmed Xasan iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee CQS Col. Xasan Calinuur Shuute ayaa saakay soo gaaray caasimadda Galmudug ee Samareeb.
Kulan uu shir guddoominayey Madaxweynaha Galmudug Md. Axmed Cabdi Kaariye isla markaana lagu soo dhowaynayey wafdiga uu wasiirka Gaashaandhiggu hogaaminayey ayaa ka dhacay Xafiiska madaxweynaha ee Madaxtooyada Galmudug.
Kulanka ayey wafdigu uga warbixiyeen ujeedada socdaalkooda ka danbaysa oo ay ku tilmaameen in ay tahay “ka hirgelinta Maxkamada CQS dawlad goboleedka Galmudug iyo furista xafiisyadeeda”, arrinkaan oo looga jawaabayey dalab Dawladda Galmudug ay u gudbisay maxkamadda CQS.
no images were found
Madaxwyenaha Galmudug ayaa soo dhoweeyey wafdiga isla markaana bogaadiyey tallaabada maxkamadda CQS ay ku furanayso faraceeda Galmudug, tallaabadaanoo qeyb weyn ka cayaari doonta saarraynta sharciga iyo kor u qaadidda amniga deegaanada Galmudug iyo sidoo kale la dagaalanka argagixisada, ayadoo isla maantaba lagu wado in ay maxkamadda CQS ay geli doonto kiisaska canaasir ku eedaysan argagixisinimo iyo askar ku xiran xabsiyada Galmudug oo fal danbiyeed ay galeen loo soo qabtay.
Halgannet