Wasiirka Gaashaandhigga JFS oo gaaray Dhuusamareeb.[Masawiro]

February 17, 2021 - Written by Editor

Dhuusamareeb:-Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Gaashaandhigga XFS Md. Xasan Xaaji oo ay ka mid yihiin Guddoomoyaha Maxkamadda sare ee CQS Col. Maxamuud Axmed Xasan iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee CQS Col. Xasan Calinuur Shuute ayaa saakay soo gaaray caasimadda Galmudug ee Samareeb.

Kulan uu shir guddoominayey Madaxweynaha Galmudug Md. Axmed Cabdi Kaariye isla markaana lagu soo dhowaynayey wafdiga uu wasiirka Gaashaandhiggu hogaaminayey ayaa ka dhacay Xafiiska madaxweynaha ee Madaxtooyada Galmudug.

Kulanka ayey wafdigu uga warbixiyeen ujeedada socdaalkooda ka danbaysa oo ay ku tilmaameen in ay tahay “ka hirgelinta Maxkamada CQS dawlad goboleedka Galmudug iyo furista xafiisyadeeda”, arrinkaan oo looga jawaabayey dalab Dawladda Galmudug ay u gudbisay maxkamadda CQS.

Madaxwyenaha Galmudug ayaa soo dhoweeyey wafdiga isla markaana bogaadiyey tallaabada maxkamadda CQS ay ku furanayso faraceeda Galmudug, tallaabadaanoo qeyb weyn ka cayaari doonta saarraynta sharciga iyo kor u qaadidda amniga deegaanada Galmudug iyo sidoo kale la dagaalanka argagixisada, ayadoo isla maantaba lagu wado in ay maxkamadda CQS ay geli doonto kiisaska canaasir ku eedaysan argagixisinimo iyo askar ku xiran xabsiyada Galmudug oo fal danbiyeed ay galeen loo soo qabtay.

Halgannet

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online