Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo sheegay in beri shirku furmi doono.[Video]
February 2, 2021 - Written by EditorDhuusamareeb:-Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya Cusmaan Dubbe hadda Shirjaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Gal-Mudug yaa waxaa uu ka hadlay shirka wadatashiga doorashooyinka ee la filayey in uu ka furmo Dhuusamareeb oo si hor dhac ah caawa u furmay xili shirka aysan joogin madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.
Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa waxaa uu yiriku tala galka shirka wuxuu ahaa inuu caawa furmo 6-dii maqribnimo, madaxda oo daalneyd iyo howsha dib ugu dhacay berri subax ayaa laga yaabaa in uu shirku furmo.
Madaxtooyadda Dowladda federaalka |Soomaaliya ayaa caawa shaacisay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu caawa guddoomiyey kulan hordhac u ah shirka wadatashiga heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee ku saabsan dardar galinta hannaanka doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadi dda heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulankan ayaa caawa waxaa ka soo qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen, xili aysan shirka goob joog ka ahayn Puntland iyo Jubbaland.
Hoos ka Daawo Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay oo caawa Dhuusamareeb
A/cawaale
Halgan.net