Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo sheegay in beri shirku furmi doono.[Video]

February 2, 2021 - Written by Editor

Dhuusamareeb:-Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya Cusmaan Dubbe hadda Shirjaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Gal-Mudug yaa waxaa uu ka hadlay shirka wadatashiga doorashooyinka ee la filayey in uu ka furmo Dhuusamareeb oo si hor dhac ah caawa u furmay xili shirka aysan joogin madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa waxaa uu yiriku tala galka shirka wuxuu ahaa inuu caawa furmo 6-dii maqribnimo, madaxda oo daalneyd iyo howsha dib ugu dhacay berri subax ayaa laga yaabaa in uu shirku furmo.

Madaxtooyadda Dowladda federaalka |Soomaaliya ayaa caawa shaacisay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu caawa guddoomiyey kulan hordhac u ah shirka wadatashiga heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee ku saabsan dardar galinta hannaanka doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadi dda heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankan ayaa caawa waxaa ka soo qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen, xili aysan shirka goob joog ka ahayn Puntland iyo Jubbaland.

Hoos ka Daawo Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay oo caawa Dhuusamareeb

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online